Friday, April 15, 2016

Qabiilkeygu Waa Soomaali

Waxaan u mahadcelinaya Abdi Addow Syl iyo Mulki Early oo soomaali u turjumay oraahdaan oo murti iyo xikmad ku dheehan tahay.
Gabadha aan ka soo xigsanay oraahdaan magaceedu waa Suzy Kassem, waana gabar qoraa Mareykan ah kana soo jeeda Masar, waa na faylasuuf (faylasuufiyad?) laga dambeeyo.
Akhris wacan
Si dalkiinu uu meel sare u gaaro, oo u noqdo mid mar kale horumar ku tilaabsada, ka bilaaba in aad doorataan hogaamiye wanaagsan. Ha ogolaanina in warbaahinta iyo kuwa danaha-gaarka ah lehi ay idinku qasbaan in aad doorataan dadka ay ayagu idiin xuleen, balse doorta dadka aysan ayagu xulan. Dadka dhexdiisa ka doorta hogaamiyaha, oo ah mid uu wado wadnahiisu, mid isu arka in uu matalo shacabka dalka, ogna waxa dalku u baahan yahay dhinac walba.
Ha dooranina hogaamiye lacag uun u socda, oo aan waxba ka ogayn shacabka, shacabkana aan xiriir la lahayn, balse kaliya og waxa shirkadahu u baahan yahiin. Doorta nabaddoon. Mid dadka mideeya, ee aan qaybin. Hogaamiye aqoon leh oo taageera dhaqanka iyo xoriyadda figrad-dhhiibashada; oo aan ahayn mid dadka afka qabta. Doorta hogaamiye maalgaliya iskuulada, oo aan joojin maalgalinta waxbarashada, una ogolaanayn in maktabadahu xirmaan.
Doorta hogaamiye wadahadal ka doorta in la dagaalo. Hogaamiye dadnimo leh, mid dhahaya waxuu aaminsan yahay, mid balanta ka soo baxa oo aan dadka been u sheegin. Doorta hogaamiye adag oo isku-kalsoon, laakiin aan kor isu qaadin. Mid caqli badan, laakiin aan dhagarow ahayn, hogaamiyo ogol kala duwanaanta oo aan cunsuri ahayn.
Doorta hogaamiye maalgalinaya dhisidda buundooyin la isaga gudbo, ee aan dhisayn darbiyo dadka kala xira. Buugaag, maya hub, Daacadnimo, maya musuq-maasuq. Xigmad iyo aqoon, maya jahli, Xasilooni, maya baqdin iyo argagax. Nabad, maya burbur. Jacayl, maya nacayb, Isu-imaatin, maya kala qaybin. Dulqaad, maya cunsuriyayn, Daacadnimo, maya munaafaqnimo, Wax ku oolnimo, maya wax kama jiraan, Dabeecad, maya maangaabnimo, Soo bandhigid, maya qarsasho, Cadaalad, maya sharcidaro, Run, maya been.
Ugu danbayn, doorta hogaamiye dadkiisu ay ku farxayaan. Mid dhaqaajinaya qalbiyada dadka, si ay wiilasha iyo gabdhaha qaranku ugu dadaalaan in ay ku daydaan sharafta hogaamiyaha qaranka. Markaas oo qura ayaa qaran si fiican kor ugu kici karaa, marka hogaamiye dhiirigaliyo, soona saaro muwaadiniin u qalma in ay noqdaan hogaamiyayaasha mustaqbalka, maamulayaal qiimo badan iyo nabaddoono. Waqtiyada hadda lagu jirana, hogaamiye waa in uu noqdo mid dhiiran. Hogaankoodu waa inuu ku adeego daacadnimo, mana aha inay u shaqeeyaan laaluush.

Reer Miyi iyo Siyaasi

Maalin Maahmaha Kamid ah ayaa anigoo Shaqo ujoogo Gobolka Shabeelada Hoose Magaaladda alaweyn ayaa waxaa su'aal iweydiiyay oday soomaaliyeed oo umuuqday da'da 70 yada su'aasha aad beey iigu adkeyd balse isagii ayaa si cilmiyaysan uga jawaabay

waxay ahayd sanadii 2014kii biloowgiisa bisha iyo maalinka ma xasuusto wuxuu igu yiri adeer faderaal maxaa loola jeedaa ma fidno hor lahaa?

waan aamusay odaygii ayaan fiiriyay oon kunaxay waayo isma lahayn nin reer miyi ah ayaa siyaasadaan qariban ay kurbo kuhaysaa markale ayaan soo eegay adeeroow garan maayo ayaan ku iri wuxuu igu yiri adeer anigu geelleey ayaan ahayd leego ayaana deganahay geelleyguna wuxuu daaqaa soomaali galbeed itoobiya ilaa gedo dacaladeeda ilaa iyo bida madoow Waana wadankeyga oo illaahay ayaa mahad iska leh inaan wadan weyn haysano hadii meel naq (roob) kada'o waan guurnaa ileen soomaalida badan keedu waa reer guuraaye gayiga soomaalidu leedahay ayaanu isu marnaa isma cunsuriyayno waan isa soornaa isa soo dhaweynaa is walaalsanaa ileen waxaan nahay wiil iyo adeerkiis ama abtigiis soomaali makala maaranto mana kala go'do laakiin waa lagu wadaa waxa keenay federaal iyo madaxweyne maamul gobol waa sidaas adeer yaanan dadka been loo sheegin ayuu iisii raaciyay aad baan u farxay hadana waan Murugooday waxaan ku farxay in laheli karo dad soomaali ah oo wadankooda jecel da' kastaa ha jiraane waxaana ka murugooday in ay fahmi waayeen siyaasiyiinteena aqoonyahano ku sheega ah waxa ay reer miyigeena garanayaa waxaan garoowsaday ineey dullaalo yihiin ineey wadankii gateen oo wadankii kheyraadkiisii berri iyo bad ba waa la boobay

anigoo meeshii fadhiya oo fakeraya ayaa waxaa ii yimid yar dhalinyaro ah oo sheekadeena dhageysanaayay wuxuu igu yiri saaxiib inaga ciidanka xoogga dalka ayaan nahay hadana 2sano mushaar maanan arag wuxuu iisii raaciyay askar ay madaxweynaha isku cidyihiin ayay isbaaradda (KoontaroolKa) u taallaa iyaga ayaana cuna wixii kasoo baxo ciddii warka keentana waxaa macquul ah ineey dilaan oo dhawr jeer ayaa meeshaan rag lagu laayay kuwana lagu dhaawacay marka adeeroow dawlad shabaab ayaaba dhaamo waayo shabaab waxaad ka helaysaa waxyaabo badan oo biilka reerka kuguma adkaanayo ayuu iigu soo gabagabeeyay ogoow waa ninkii dalka difaaci lahaa waxa lagu kalifay inuu burcad noqdo sababo kala duwan awgood inta waxaas jiraan cadaallad dhici mayso mida kale dadkii dulmigaas iyo waxa soo socda ee kadarnaan karo ka hortagi lahaa waa dhalinyarada soomaaliyeed waxaadna moodaa ineeysan ku baraarugsaneyn waxa dhacay oo ay yihiin daawadeyaal kamadax banaan siyaasada oo ay xaaraan ka tahay saaxiib hadaadan is dirin yaa ku oranayo soo gal waa cidna waxaan jeclaan lahaa inaan arko dhalinta soomaaliyeed oo u istaagtay difaaca dhulkooda hooyo wa bilaahi tofiiq

Thursday, April 14, 2016

Farhiya Fiska & Nuur Dalaacay Heestii Iftin 2016

Dhag Dhag Live Kaban | Farxiya Fiska's UK Tour in Birmingham

Farxiya Fiska Somali classic Qaaraami | Hoheey Afrikaay hururdooy Live i...

Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Marxuum Jaale Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ay Dalka soomaaliya wuxuuna madaxweynayaashii kahoreeyay ugaga badalnaa inuu ahaa Kaligii-teliye ciidanka xooga iyo madaxweynehi dalka Soomaaliya sanadihii 1969kii ilaa 1991dii.
Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbahaarey, Gobolka Gedo taariikhdu marka ahayd 6dii Oktoobar 1919kii, wuxuu ahaa yaraantiisa Reer Miyi. 1936 ayuu kubiiray xerada tababarka Ciidanka ee Baladweyne. Jaale Siyaad Barre markii uu tababarka udhamaaday waxaa loo soo wareejiyay xeradii Ciidamada ee kutaalay Xamar Jajab - Muqdisho sii uu tababar ciidannimo dheeraad usii qaato.
Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Siyaad Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya.
Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, isbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka.
Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan.
Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% dad jahli ahaa ayaa noqdey ilaa 40% dad aqoon leh.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari kadib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu qasbay ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. 26dii Janaayo ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay.
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nigeria 26dii Oktoobar 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo.

Mid Kamid ahaa Ciidankii Xoogga Dalka

"I was part of the 21st Division of Somalia's National Army during the 1977-78 war with Ethiopia. Our unit was assigned to capture Kebri Dahar, Wardhere all the way to Jigjiga. First, all the army units from Zeila (Awdal) all the way to Dolow (Gedo) were moved to the disputed border with Ethiopia. We all crossed the border at once, can you imagine that? It was on a Sunday. A united front of a heavily armed Somali army, where your Somali comrades from the north and south crossed the border at once, that level of shared mobility, you will never find again. We were on a mission. Our objective was clear, if we captured a district, we had to wait for our other comrades to capture a nearby district."
"Did you meet any resistance?"
"Not at all, we didn't meet any resistance. It was like a walk to the park -- all the way to Jigjiga. The Ethiopian army were overpowered, simple as that. We collected their weapons whilst we swept the ground. They had the numbers but we had the morale and skill and we got our morale from the Somali people. The Somali nomads inside Somalia use to slaughter their precious livestock just to feed us -- simply out of love."
(London, United Kingdom)
“Waxaan ka mid ahaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee qaybtiisii 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed waagi u socday dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977. Guutadeena waxaa loo xilsaaray inaan qabano Qabridahare, Wardheer ilaa Jigjiga. Unugyada ciidanka, laga bilaabo Saylac (Awdal) ilaa Doolow (Gedo), isku maalin baa la geeyey soohdintu, isku maalina wey ka wada gudbeen. Arin cajiib ah bey ahayd runti, intaaso ciidan ah oo hal waqti si qorshaysan loo gudbayey iyadoo cadowgiina uusan ogaanin. Maalin Axad ayey ahad. Ciidan mideysan, min waqooyi ilaa koonfur, oo hal mawqiif ku socda. Dhaqdhaqaaq ciidan noocas abidkey uma maleenayo inta nolosha ii harsan inu Soomaalidu so marayo ilaahaysa waxba uma ahan. Ujeedo cad beynu ku soconay. Waxaan sameen jirnay, guuto kasta waa inay sugaan guutooyinka kale. Haddii ay midi degmo qabsato, waa inay sugtaa guutooyinka kale ee ka ag dhow oo degmooyinka u dhow kaabiga ku haaya ilaa ay gacanta ku dhigaan.
“Wax iska caabin ma la kulanteen?”
“Iska caabin aa? Ciidanka Itoobiyaanka wey carareen. Waayo, awood aan caadi ahayn bey la kulmeen. Xitaa hubkii bey ka tageen. Itoobyaanka tiro ahaan ku dheeraa, anaguna dhanka xirfadda iyo niyadda. Niyadda dadkeena ka keenay oo nagu tageeri jiray. Xitaa Soomaalida reer guuraaga ee gudaha dhulka Soomaaliyeed oo dhan baa xoolahooda noo qali jiray biyana nala daba socday, runtii dareen jacayl oo ay noo qabeen bay arintaasi ku dhacday."
(London, Boqortooyada Ingiriiska)