Thursday, April 14, 2016

Sirdoonkii Soomaaliya

Sarkaal ka tirsanaa hay'adii sirdoonka soomaaliyeed Sanadkii 1976-kii Ilaa 1991-kii hawlgalo sirdoon oo aad u muhiim ahaana ka qeyb qaatey ayaa ka hadley waxyaabahihii ugu muhiimsanaa ee uu xasuusto waxuuna yiri:
Sanadkii 1985-kii ayuu taliskii Nabadda Qaranku ii diray safar shaqo oo aad u qalafsan inaan ku aado dalka Itoobiya, si aan Dad qiime u lahaa taliskii itoobiya ciidda ugu daro, ma ahayn markii ugu horaysay ee la ii diro Itoobiya dhawr jeer ayaan magac dul saar ah ku tagay laakiin markan waa ka duwanaa oo saraakiil Soomaaliyeed oo dalka ka baxsaday ayaa itoobiya lasoo saftay dagaalkii ay nagula jirtay, hadaba si aan Adis-Ababa u tago ayaa waxaan qorsheystay inaan marka hore tago magaalada Lagos ee dalka Nayjeriya kadibna aan u dhoofo wadanka Hungary oo khaarada yurub ku yaala halkaas ayaana aheyd halka dalka itoobiya aan ka aadayey.
4M Hotel la yiraahdo oo ku yaalla magaalada Budabest caasimada dalka Hungary ayaan u hoyday, subaxdii hore ayaa waxaa la igala soo hadlay qeybta soo dhawaynta waxayna ii sheegtay adeegto joogtay halkaas inuu i doonayo nin la yiraahdo Ibnu Idlib, shaki wayn ayaa i galay , waxaan u diyaar garoobay inuu dhici karo fal danbiyeed la igu khaarajin karo, xaashi ama waraaq yar ayaan ku qoray Telifoonka Taliyahagayga Xamar jira xafiiskiisa waxaana saaray sariirta dusheeda, si haddii la ii khaarajiyo ay ciidanka nabad galyada dalka Hungary ugu yaraan ula xariiraan Xafiiskaas kadibna warka geeridayda u gaaro dhulkaan u dhaartay inaan u dhinto ee soomaaliya.
Intaanan qeybta hoose ee hotelka soo wada gaarin ayaan dabaqa labaad kusoo hakaday si aan aragti buuxda uga qaato qaybta hoose, nasiib wanaag waxay Indhahaygu durba soo qabteen Gaashaanle sare C/Xamiid Xaraaq oo ka mid ah Saraakiisha laf dhabarka u ah Adeegga nabad sugidda dalka Suuriya sanad ka horna aan marti ugu ahaa Xafiiskiisa ku yaalla meesha la yiraahdo Kafarsuusa, ee magaalada Dimishaq, Salaan aanan magac la isugu yeerin kadib ayuu yiri waa aniga Ibnu Idlib xabad sigaara intuu shittay anigana mid ayuu igu maamuusay waxaan u gartay aan dibadda uga baxno huteelka , waxaan ku iri aan qolkayga mar kaliya ku noqdo, banaanka ayaan kugu sugayaa ayuu ii raaciyay, waraaqdii aan ku qoray Nambarka Taliyahayga ayaan soo jeex jeexay si ayna qolyaha nadaafaddu u arkin oo aan qabo badankood inay yihiin indho dawladeed, kadibna dag dag ayaan usoo dagay.
waxaan tagnay Safaaradda Suuriya waxaan isku aragnay ragg dhawr ah oon Shaam isku shaqa baranay , waxaa durba la ii dhiibay liis ay ku qoran yahiin dhawr nin oo ka mid ahaa Laanta Nabad Suggidda Soomaaliya , raggaas waxay Suuriyaanka heleen war bixinno lagu kalsoon yahay oo caddaynaya inay Sirta Qaranka Soomaaliyeed siiyaan Itoobiyaanka una Marsiiyaan Saraakiil ka tirsan Ergada Masaarida ee magaalada muqdisho jooga , waxaan fadhigaas kaligay gaaray go’aan ahaa inaan muqdisho dib ugu noqdo iskana iloobo Itoobiya iyo dhoofkeeda.
Waxaan galabtiiba aaday Shirkaddii dayuurada aan la socday waxaana codsaday in horay la iigu soo dhigo safarkaygii , 120 dolar ayaa la iga qaaday maalin kadibna waan soo noqday, socod dheer kadib waxaan imid Xamar, alaha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare iyo Taliyahaygii ayaan war bixintii u dhiibay waxaana u raaciyay ‘’ Jaallayaal waxaan filayaa inuu dhintay wajigii aan ku tagi jiray Itoobiya ‘’ si wanaagsan ayaa loo aqbalay inkastoo ay labada oday xoogaa caroodeen sigaarna iska daba shidtteen, maalmo kadib waxaa Xabsiga loo diray saraakiishii laga soo war sheekooday , kadib markii la xaqiijiyay warkii ay Suuriyaanka soo tabiyeen.
Mudo gaaban ka dib ayuu Madaxwayne Siyaad waraaq gaar ah ii dhiibay waxaana u qaaday Caasimadda dalka suuriya ee Dimishaq, Madaxwayne Xaafid Al-Asad ayaan u siday mahad naq ballaaran oo aan ka siday Madaxwayne Siyaad , Bogaadin dheeraad ah ayaa loo diray Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa aan muuqan , Suuriya oo aan igu cusbayn waxaan sida caadada u ah Madaxda Dunida Carabta ay la kulmaan Saraakiisha Ammaanka xiliyada fiidadka ah ee aan sidaa loo ag dhoobnayn haddaysan xaaladdu deg deg ahayn.
Hotel la yiraahdo Shaam oo la igu marti galiyay ayaa waxaa maqribka dabadii iigu yimid Hishaam Bikhtiyaar Saraakiisha Xisbigiga Al-Bacath ee dalka suuriya ,wuxuuna ii qaaday Aqalka uu daganaa Madaxwayne Xaafid Al-Asad oo aan ka fogayn dhismaha Safaaradda Soomaaliya, war dheer kadib , Xaafid Al-Asad wuxuu u soo jeediyay Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare talo ay habboontahay inuu ku dhaqaaqo fulinteeda , ‘’ Walaalkay Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxaan jeclaan lahaa inuu ka fakaro Xiriirka Liibiya iyo Kornaylka xukuma waa Qadaafiye‘’ Asad wuxuu ku qanacsanaa in Liibiyaanku ay la waasheen Saliidda qaniga ay ku noqdeen isla markaana aqoontooduna ay yartaha, ka xishoon maayaan inay Dalal daggan colaad ka huriyaan , iyadoo aysan jirin faa’iido Qarankooda uga imaanaysa, Madaxweyne Asad wuxuu yiri ‘’ Waxaan qabaa si loo joojiyo hantida ay ku shubayaan jeebabka Jabhadaha hubaysan ee doonaya inay Qaranka Soomaaliyeed dumiyaan ayagoo kaashana cadaw kasta oo Ummaddu leedahay , in uu Madaxwayne Siyaad soo celiyo xiriirka Liibiya si shartooda looga nabad galo ‘’ warqad uu Madaxwayne Asad ku suntan yahay ayaa la ii dhiibay, jidka aan Xamar u marayo ee magaalada Jidda, Sacuudiga ah darteed waxaa jiray Cabsi inay Sucuudiyaanka oo ay Mareykanku dhabarka ka taabteen baaraan Boorsadayda Dublamaasiga ah, si aysan u dhicin waxaa lagu tolay waraaqdii Buug markaan xamar tago aan jeexi doono.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: F. Xiirane sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka soomaliya.

No comments:

Post a Comment