Friday, April 15, 2016

Qabiilkeygu Waa Soomaali

Waxaan u mahadcelinaya Abdi Addow Syl iyo Mulki Early oo soomaali u turjumay oraahdaan oo murti iyo xikmad ku dheehan tahay.
Gabadha aan ka soo xigsanay oraahdaan magaceedu waa Suzy Kassem, waana gabar qoraa Mareykan ah kana soo jeeda Masar, waa na faylasuuf (faylasuufiyad?) laga dambeeyo.
Akhris wacan
Si dalkiinu uu meel sare u gaaro, oo u noqdo mid mar kale horumar ku tilaabsada, ka bilaaba in aad doorataan hogaamiye wanaagsan. Ha ogolaanina in warbaahinta iyo kuwa danaha-gaarka ah lehi ay idinku qasbaan in aad doorataan dadka ay ayagu idiin xuleen, balse doorta dadka aysan ayagu xulan. Dadka dhexdiisa ka doorta hogaamiyaha, oo ah mid uu wado wadnahiisu, mid isu arka in uu matalo shacabka dalka, ogna waxa dalku u baahan yahay dhinac walba.
Ha dooranina hogaamiye lacag uun u socda, oo aan waxba ka ogayn shacabka, shacabkana aan xiriir la lahayn, balse kaliya og waxa shirkadahu u baahan yahiin. Doorta nabaddoon. Mid dadka mideeya, ee aan qaybin. Hogaamiye aqoon leh oo taageera dhaqanka iyo xoriyadda figrad-dhhiibashada; oo aan ahayn mid dadka afka qabta. Doorta hogaamiye maalgaliya iskuulada, oo aan joojin maalgalinta waxbarashada, una ogolaanayn in maktabadahu xirmaan.
Doorta hogaamiye wadahadal ka doorta in la dagaalo. Hogaamiye dadnimo leh, mid dhahaya waxuu aaminsan yahay, mid balanta ka soo baxa oo aan dadka been u sheegin. Doorta hogaamiye adag oo isku-kalsoon, laakiin aan kor isu qaadin. Mid caqli badan, laakiin aan dhagarow ahayn, hogaamiyo ogol kala duwanaanta oo aan cunsuri ahayn.
Doorta hogaamiye maalgalinaya dhisidda buundooyin la isaga gudbo, ee aan dhisayn darbiyo dadka kala xira. Buugaag, maya hub, Daacadnimo, maya musuq-maasuq. Xigmad iyo aqoon, maya jahli, Xasilooni, maya baqdin iyo argagax. Nabad, maya burbur. Jacayl, maya nacayb, Isu-imaatin, maya kala qaybin. Dulqaad, maya cunsuriyayn, Daacadnimo, maya munaafaqnimo, Wax ku oolnimo, maya wax kama jiraan, Dabeecad, maya maangaabnimo, Soo bandhigid, maya qarsasho, Cadaalad, maya sharcidaro, Run, maya been.
Ugu danbayn, doorta hogaamiye dadkiisu ay ku farxayaan. Mid dhaqaajinaya qalbiyada dadka, si ay wiilasha iyo gabdhaha qaranku ugu dadaalaan in ay ku daydaan sharafta hogaamiyaha qaranka. Markaas oo qura ayaa qaran si fiican kor ugu kici karaa, marka hogaamiye dhiirigaliyo, soona saaro muwaadiniin u qalma in ay noqdaan hogaamiyayaasha mustaqbalka, maamulayaal qiimo badan iyo nabaddoono. Waqtiyada hadda lagu jirana, hogaamiye waa in uu noqdo mid dhiiran. Hogaankoodu waa inuu ku adeego daacadnimo, mana aha inay u shaqeeyaan laaluush.

Reer Miyi iyo Siyaasi

Maalin Maahmaha Kamid ah ayaa anigoo Shaqo ujoogo Gobolka Shabeelada Hoose Magaaladda alaweyn ayaa waxaa su'aal iweydiiyay oday soomaaliyeed oo umuuqday da'da 70 yada su'aasha aad beey iigu adkeyd balse isagii ayaa si cilmiyaysan uga jawaabay

waxay ahayd sanadii 2014kii biloowgiisa bisha iyo maalinka ma xasuusto wuxuu igu yiri adeer faderaal maxaa loola jeedaa ma fidno hor lahaa?

waan aamusay odaygii ayaan fiiriyay oon kunaxay waayo isma lahayn nin reer miyi ah ayaa siyaasadaan qariban ay kurbo kuhaysaa markale ayaan soo eegay adeeroow garan maayo ayaan ku iri wuxuu igu yiri adeer anigu geelleey ayaan ahayd leego ayaana deganahay geelleyguna wuxuu daaqaa soomaali galbeed itoobiya ilaa gedo dacaladeeda ilaa iyo bida madoow Waana wadankeyga oo illaahay ayaa mahad iska leh inaan wadan weyn haysano hadii meel naq (roob) kada'o waan guurnaa ileen soomaalida badan keedu waa reer guuraaye gayiga soomaalidu leedahay ayaanu isu marnaa isma cunsuriyayno waan isa soornaa isa soo dhaweynaa is walaalsanaa ileen waxaan nahay wiil iyo adeerkiis ama abtigiis soomaali makala maaranto mana kala go'do laakiin waa lagu wadaa waxa keenay federaal iyo madaxweyne maamul gobol waa sidaas adeer yaanan dadka been loo sheegin ayuu iisii raaciyay aad baan u farxay hadana waan Murugooday waxaan ku farxay in laheli karo dad soomaali ah oo wadankooda jecel da' kastaa ha jiraane waxaana ka murugooday in ay fahmi waayeen siyaasiyiinteena aqoonyahano ku sheega ah waxa ay reer miyigeena garanayaa waxaan garoowsaday ineey dullaalo yihiin ineey wadankii gateen oo wadankii kheyraadkiisii berri iyo bad ba waa la boobay

anigoo meeshii fadhiya oo fakeraya ayaa waxaa ii yimid yar dhalinyaro ah oo sheekadeena dhageysanaayay wuxuu igu yiri saaxiib inaga ciidanka xoogga dalka ayaan nahay hadana 2sano mushaar maanan arag wuxuu iisii raaciyay askar ay madaxweynaha isku cidyihiin ayay isbaaradda (KoontaroolKa) u taallaa iyaga ayaana cuna wixii kasoo baxo ciddii warka keentana waxaa macquul ah ineey dilaan oo dhawr jeer ayaa meeshaan rag lagu laayay kuwana lagu dhaawacay marka adeeroow dawlad shabaab ayaaba dhaamo waayo shabaab waxaad ka helaysaa waxyaabo badan oo biilka reerka kuguma adkaanayo ayuu iigu soo gabagabeeyay ogoow waa ninkii dalka difaaci lahaa waxa lagu kalifay inuu burcad noqdo sababo kala duwan awgood inta waxaas jiraan cadaallad dhici mayso mida kale dadkii dulmigaas iyo waxa soo socda ee kadarnaan karo ka hortagi lahaa waa dhalinyarada soomaaliyeed waxaadna moodaa ineeysan ku baraarugsaneyn waxa dhacay oo ay yihiin daawadeyaal kamadax banaan siyaasada oo ay xaaraan ka tahay saaxiib hadaadan is dirin yaa ku oranayo soo gal waa cidna waxaan jeclaan lahaa inaan arko dhalinta soomaaliyeed oo u istaagtay difaaca dhulkooda hooyo wa bilaahi tofiiq

Thursday, April 14, 2016

Farhiya Fiska & Nuur Dalaacay Heestii Iftin 2016

Dhag Dhag Live Kaban | Farxiya Fiska's UK Tour in Birmingham

Farxiya Fiska Somali classic Qaaraami | Hoheey Afrikaay hururdooy Live i...

Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Marxuum Jaale Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ay Dalka soomaaliya wuxuuna madaxweynayaashii kahoreeyay ugaga badalnaa inuu ahaa Kaligii-teliye ciidanka xooga iyo madaxweynehi dalka Soomaaliya sanadihii 1969kii ilaa 1991dii.
Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbahaarey, Gobolka Gedo taariikhdu marka ahayd 6dii Oktoobar 1919kii, wuxuu ahaa yaraantiisa Reer Miyi. 1936 ayuu kubiiray xerada tababarka Ciidanka ee Baladweyne. Jaale Siyaad Barre markii uu tababarka udhamaaday waxaa loo soo wareejiyay xeradii Ciidamada ee kutaalay Xamar Jajab - Muqdisho sii uu tababar ciidannimo dheeraad usii qaato.
Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Siyaad Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya.
Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, isbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka.
Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan.
Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% dad jahli ahaa ayaa noqdey ilaa 40% dad aqoon leh.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari kadib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu qasbay ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. 26dii Janaayo ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay.
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nigeria 26dii Oktoobar 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo.

Mid Kamid ahaa Ciidankii Xoogga Dalka

"I was part of the 21st Division of Somalia's National Army during the 1977-78 war with Ethiopia. Our unit was assigned to capture Kebri Dahar, Wardhere all the way to Jigjiga. First, all the army units from Zeila (Awdal) all the way to Dolow (Gedo) were moved to the disputed border with Ethiopia. We all crossed the border at once, can you imagine that? It was on a Sunday. A united front of a heavily armed Somali army, where your Somali comrades from the north and south crossed the border at once, that level of shared mobility, you will never find again. We were on a mission. Our objective was clear, if we captured a district, we had to wait for our other comrades to capture a nearby district."
"Did you meet any resistance?"
"Not at all, we didn't meet any resistance. It was like a walk to the park -- all the way to Jigjiga. The Ethiopian army were overpowered, simple as that. We collected their weapons whilst we swept the ground. They had the numbers but we had the morale and skill and we got our morale from the Somali people. The Somali nomads inside Somalia use to slaughter their precious livestock just to feed us -- simply out of love."
(London, United Kingdom)
“Waxaan ka mid ahaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee qaybtiisii 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed waagi u socday dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977. Guutadeena waxaa loo xilsaaray inaan qabano Qabridahare, Wardheer ilaa Jigjiga. Unugyada ciidanka, laga bilaabo Saylac (Awdal) ilaa Doolow (Gedo), isku maalin baa la geeyey soohdintu, isku maalina wey ka wada gudbeen. Arin cajiib ah bey ahayd runti, intaaso ciidan ah oo hal waqti si qorshaysan loo gudbayey iyadoo cadowgiina uusan ogaanin. Maalin Axad ayey ahad. Ciidan mideysan, min waqooyi ilaa koonfur, oo hal mawqiif ku socda. Dhaqdhaqaaq ciidan noocas abidkey uma maleenayo inta nolosha ii harsan inu Soomaalidu so marayo ilaahaysa waxba uma ahan. Ujeedo cad beynu ku soconay. Waxaan sameen jirnay, guuto kasta waa inay sugaan guutooyinka kale. Haddii ay midi degmo qabsato, waa inay sugtaa guutooyinka kale ee ka ag dhow oo degmooyinka u dhow kaabiga ku haaya ilaa ay gacanta ku dhigaan.
“Wax iska caabin ma la kulanteen?”
“Iska caabin aa? Ciidanka Itoobiyaanka wey carareen. Waayo, awood aan caadi ahayn bey la kulmeen. Xitaa hubkii bey ka tageen. Itoobyaanka tiro ahaan ku dheeraa, anaguna dhanka xirfadda iyo niyadda. Niyadda dadkeena ka keenay oo nagu tageeri jiray. Xitaa Soomaalida reer guuraaga ee gudaha dhulka Soomaaliyeed oo dhan baa xoolahooda noo qali jiray biyana nala daba socday, runtii dareen jacayl oo ay noo qabeen bay arintaasi ku dhacday."
(London, Boqortooyada Ingiriiska)

Fanaanadeena Aamina Cabdullaahi

“I was born between Borame and Wajaale and grew up in Djibouti. From a young age, I loved singing but my family disapproved it. They were nomadic and argued that it didn't fit with our lifestyle. However, I went with my passion and ignored them. I started my singing career in Hargeisa and became part of the famous national Somali troupe called Waaberi. We use to live in the Hargeisa Theatre. My songs concentrated on love for you see, the Somali songs and plays were comprehensive back then. The songs and plays raised awareness, carried moral messages. Some of the songs contained lyrics that only true lovers could understand. If it was a love story, it would tell the love story from scratch, how it affected the people around it, the parents, the siblings, the actual lovers, etc. My favourite singer partner was Ahmed Ali Igal and I used to love singing with him. We had this undeniable chemistry. Nowadays, songs are all about 'I love you, do you love me?' Where is the deep meaning behind it? The Somali people have a saying: 'A young camel follows the footsteps of those before him'. So I say to the young current singers now, study the people before you and learn from them, because in my time, I admired those who were better than me and were before me like Magool, Mohamed Ahmed, Hibo Nura and Mandeq. Once the civil war erupted, I fled with my kids to Borame, and I've been here ever since. I've been doing nothing ever since. I still connect with my old colleagues and they visit me sometimes. We still love each other and even though Somalis divided themselves; our love and respect for each other remained the same. I miss those days. To the Somali youth, if you can't agree on many issues, at least agree on being part of the Somali race. A Somali is a Somali and that will never change."
(Borame, Somaliland)
"Aniga waxaan ku dhashay meel u dhaxaysa Boorama iyo Wajaale, waxaanna ku barbaaray Jabuuti. Yaraanteydii aad baan u jeclaa fanka laakin qoyskaygu reer baadiye ayuu ahaa, runtii aad buu uga soo horjeestay oo layma ogalayn madaama inan yar aan ahaa laakin waan uu dhabar adeygay oo maan dhagaysan. Waxaan fanka ku bilaabay Hargaysa oo waxaan ka mid ahaa kooxdii Hobolada qaranka Waaberi. Waxaan degi jirnay Tiyaatarka Hargaysa. Heesahayga waxay u badnaayeen Jacayl madaame heesihii hore nuxur lahaayeen. Qofku inu waqti badan galiyo ahayd suu u fahmo. Ruwayada iyo heesaha wacyi gelin bey ahaayeen, oo waxba la kala faa'iideysaney. Berigii hore, heesaha jecaylka silsilad bey lahayd oo dad badan ku jiray. Waxaan aad u jeclaa inaan la heeso Axmed Cali Cigaal. Hadda, waa heeso iska duulaya, ee waan ku jeclahay ma ii jeceshay. Soomaalidu waxay tidhaahda, awrka awrka kasii horeeya ayuu socodkiisa leeyahay marka dadka iminka fanka ku jira, dadkii hore ku dayda ayaan odhan lahaa, isku xidhnaada, isku duubnaada. Aniga laftigeyga fanaantii aan ku dayan jiray, waxaa kamid ahaa Magool. Maxamed Axmed, Hibo Nuura iyo Maandeeq. Markii dawladii dhexe burburtay, waxaan u qaxnay, aniga iyo caruurtaydu magaaladda Boorama oo hadda iminka ku noolahay. Wax aan hadda sameeyo ma jirto. Weli waan la xiriira asxaabtaydii fanka weyna ii yimaadan. Weli waan is jecelanahay, inkastoo Soomaali kala tagtay, weli waxaan isku hayna jacayl iyo xushmad aan weligeed is bedelaynin. Waan u xiisay runti. Dhalinyaro, waad wanaagsan tihiin oo meel wanaagsan baad mareysaan, ogow Soomaali waa Soomali. Somaalinimo uun aaynu ku midaysnaano hadii wixii kale aaynu ku heshiin waynay."

Dulmi iyo Dawlad


Inta Dulmigu Jiro Waxaad Ogaataan Soomalaay Inaan laga baxayn dhibaatada dulmigu wuxuu isugu jiraa noocyo badan waxaase ugu weyn midka lagu hayo dadka maatida ah hooyada dhiig baxa udhimanayso saqiirka oonka iyo gaajada unaf waayaya Magacoodiina Lagu soo dawarsanayo ilaahay amarkii maalin walbo nin baa lasoo taagan gaajo iyo abaar ayaa soomaaliya kajirto wixii uu soo helana qabiilkiisa iyo intuu dan kaleeyahay ayaa cuna mataasaa masuuliyad ah mise waa islaamnimo waxaan ogahay oon cid weeydiineyn magaalooyinka waaweyn ee gayiga soomaalida ama soomaaliya waxaa ku nool dad danyar ah kuwaasoo laga yaabo maalinkii ineey wax cunaan hal gelin halka magaaladaas nin joogo uu gurigiisa ku bixiyo lacag gaareyso 50$ maalintii ilaahay waa ogyahay dhibta waxna kama daahna inta ay arintaasi jirto waxaan filayaa inaan laga baxeyn colaad iyo abaar oo ah labada laga duceysto ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhulka lajaro dhamaan inta sababta u ah dhibtaan aan dabayaaqada laheyn ee dalkeenii iyo dadkeenii ku habsatay koleey Mooryaan diimeed iyo Mid Masuul Dawladeed sheegto ku tahay ilaahayoow na hor dhaafi

Sirdoonkii Soomaaliya

Sarkaal ka tirsanaa hay'adii sirdoonka soomaaliyeed Sanadkii 1976-kii Ilaa 1991-kii hawlgalo sirdoon oo aad u muhiim ahaana ka qeyb qaatey ayaa ka hadley waxyaabahihii ugu muhiimsanaa ee uu xasuusto waxuuna yiri:
Sanadkii 1985-kii ayuu taliskii Nabadda Qaranku ii diray safar shaqo oo aad u qalafsan inaan ku aado dalka Itoobiya, si aan Dad qiime u lahaa taliskii itoobiya ciidda ugu daro, ma ahayn markii ugu horaysay ee la ii diro Itoobiya dhawr jeer ayaan magac dul saar ah ku tagay laakiin markan waa ka duwanaa oo saraakiil Soomaaliyeed oo dalka ka baxsaday ayaa itoobiya lasoo saftay dagaalkii ay nagula jirtay, hadaba si aan Adis-Ababa u tago ayaa waxaan qorsheystay inaan marka hore tago magaalada Lagos ee dalka Nayjeriya kadibna aan u dhoofo wadanka Hungary oo khaarada yurub ku yaala halkaas ayaana aheyd halka dalka itoobiya aan ka aadayey.
4M Hotel la yiraahdo oo ku yaalla magaalada Budabest caasimada dalka Hungary ayaan u hoyday, subaxdii hore ayaa waxaa la igala soo hadlay qeybta soo dhawaynta waxayna ii sheegtay adeegto joogtay halkaas inuu i doonayo nin la yiraahdo Ibnu Idlib, shaki wayn ayaa i galay , waxaan u diyaar garoobay inuu dhici karo fal danbiyeed la igu khaarajin karo, xaashi ama waraaq yar ayaan ku qoray Telifoonka Taliyahagayga Xamar jira xafiiskiisa waxaana saaray sariirta dusheeda, si haddii la ii khaarajiyo ay ciidanka nabad galyada dalka Hungary ugu yaraan ula xariiraan Xafiiskaas kadibna warka geeridayda u gaaro dhulkaan u dhaartay inaan u dhinto ee soomaaliya.
Intaanan qeybta hoose ee hotelka soo wada gaarin ayaan dabaqa labaad kusoo hakaday si aan aragti buuxda uga qaato qaybta hoose, nasiib wanaag waxay Indhahaygu durba soo qabteen Gaashaanle sare C/Xamiid Xaraaq oo ka mid ah Saraakiisha laf dhabarka u ah Adeegga nabad sugidda dalka Suuriya sanad ka horna aan marti ugu ahaa Xafiiskiisa ku yaalla meesha la yiraahdo Kafarsuusa, ee magaalada Dimishaq, Salaan aanan magac la isugu yeerin kadib ayuu yiri waa aniga Ibnu Idlib xabad sigaara intuu shittay anigana mid ayuu igu maamuusay waxaan u gartay aan dibadda uga baxno huteelka , waxaan ku iri aan qolkayga mar kaliya ku noqdo, banaanka ayaan kugu sugayaa ayuu ii raaciyay, waraaqdii aan ku qoray Nambarka Taliyahayga ayaan soo jeex jeexay si ayna qolyaha nadaafaddu u arkin oo aan qabo badankood inay yihiin indho dawladeed, kadibna dag dag ayaan usoo dagay.
waxaan tagnay Safaaradda Suuriya waxaan isku aragnay ragg dhawr ah oon Shaam isku shaqa baranay , waxaa durba la ii dhiibay liis ay ku qoran yahiin dhawr nin oo ka mid ahaa Laanta Nabad Suggidda Soomaaliya , raggaas waxay Suuriyaanka heleen war bixinno lagu kalsoon yahay oo caddaynaya inay Sirta Qaranka Soomaaliyeed siiyaan Itoobiyaanka una Marsiiyaan Saraakiil ka tirsan Ergada Masaarida ee magaalada muqdisho jooga , waxaan fadhigaas kaligay gaaray go’aan ahaa inaan muqdisho dib ugu noqdo iskana iloobo Itoobiya iyo dhoofkeeda.
Waxaan galabtiiba aaday Shirkaddii dayuurada aan la socday waxaana codsaday in horay la iigu soo dhigo safarkaygii , 120 dolar ayaa la iga qaaday maalin kadibna waan soo noqday, socod dheer kadib waxaan imid Xamar, alaha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare iyo Taliyahaygii ayaan war bixintii u dhiibay waxaana u raaciyay ‘’ Jaallayaal waxaan filayaa inuu dhintay wajigii aan ku tagi jiray Itoobiya ‘’ si wanaagsan ayaa loo aqbalay inkastoo ay labada oday xoogaa caroodeen sigaarna iska daba shidtteen, maalmo kadib waxaa Xabsiga loo diray saraakiishii laga soo war sheekooday , kadib markii la xaqiijiyay warkii ay Suuriyaanka soo tabiyeen.
Mudo gaaban ka dib ayuu Madaxwayne Siyaad waraaq gaar ah ii dhiibay waxaana u qaaday Caasimadda dalka suuriya ee Dimishaq, Madaxwayne Xaafid Al-Asad ayaan u siday mahad naq ballaaran oo aan ka siday Madaxwayne Siyaad , Bogaadin dheeraad ah ayaa loo diray Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa aan muuqan , Suuriya oo aan igu cusbayn waxaan sida caadada u ah Madaxda Dunida Carabta ay la kulmaan Saraakiisha Ammaanka xiliyada fiidadka ah ee aan sidaa loo ag dhoobnayn haddaysan xaaladdu deg deg ahayn.
Hotel la yiraahdo Shaam oo la igu marti galiyay ayaa waxaa maqribka dabadii iigu yimid Hishaam Bikhtiyaar Saraakiisha Xisbigiga Al-Bacath ee dalka suuriya ,wuxuuna ii qaaday Aqalka uu daganaa Madaxwayne Xaafid Al-Asad oo aan ka fogayn dhismaha Safaaradda Soomaaliya, war dheer kadib , Xaafid Al-Asad wuxuu u soo jeediyay Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare talo ay habboontahay inuu ku dhaqaaqo fulinteeda , ‘’ Walaalkay Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxaan jeclaan lahaa inuu ka fakaro Xiriirka Liibiya iyo Kornaylka xukuma waa Qadaafiye‘’ Asad wuxuu ku qanacsanaa in Liibiyaanku ay la waasheen Saliidda qaniga ay ku noqdeen isla markaana aqoontooduna ay yartaha, ka xishoon maayaan inay Dalal daggan colaad ka huriyaan , iyadoo aysan jirin faa’iido Qarankooda uga imaanaysa, Madaxweyne Asad wuxuu yiri ‘’ Waxaan qabaa si loo joojiyo hantida ay ku shubayaan jeebabka Jabhadaha hubaysan ee doonaya inay Qaranka Soomaaliyeed dumiyaan ayagoo kaashana cadaw kasta oo Ummaddu leedahay , in uu Madaxwayne Siyaad soo celiyo xiriirka Liibiya si shartooda looga nabad galo ‘’ warqad uu Madaxwayne Asad ku suntan yahay ayaa la ii dhiibay, jidka aan Xamar u marayo ee magaalada Jidda, Sacuudiga ah darteed waxaa jiray Cabsi inay Sucuudiyaanka oo ay Mareykanku dhabarka ka taabteen baaraan Boorsadayda Dublamaasiga ah, si aysan u dhicin waxaa lagu tolay waraaqdii Buug markaan xamar tago aan jeexi doono.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: F. Xiirane sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka soomaliya.

Askari Waayo Muxuuse yahay

‪#‎Askari_Ciidan‬
Hadaan Waxyar ka iraahdo askari waa udub dhexaadka dad, dal iyo diin waa tiirka ugu muhiimsan oo haduusan jirin aysan jireynin wax astaan dawladnimo, qarannimo ah dadnimo waa xubinta ladoonayo markastaa ineey kamiisaaniyad xurmo karaamo badnaataa xubnaha ama tiirarka kale ee jira maanta soomaaliya hadii halkaas xubin lasoo nooleeyo waa ay istaageysaa waayo dal aan ciidan difaaco ciidan daryeelo ciidan cadawga utaagan aan lahayn waa daleel ama waa sabool oo sida hada xamar kajirto ciidankeena ayaa waxaa waardiyeeyo ciidan shisheeye mana sugaayo ineey keenaan wixii ay keeni lahaayeen ciidankeena soomaaliyeed kuwaasoo u hagar bixi lahaa dalkoodana udhiman lahaa difaaciisana ku filan laakiin waa nasiib xumo ilaa hadda inaan la'nahay hal mas'uul oo ciidankii xooga dalka soo nooleeyo ama wax un kaqabto marka laga reebo ‪#‎farmaajo‬ oo isagu wax un ka qabtay waloow mudadiisii ay iska koobneyd waxaan ilaahay ka rajaynayaa mid fahansan waxtarka ciidanka xoogga dalka inuu ilaahay kadhigo masuul qabto xilka ugu sareeyo soomaaliya maanta waxaan udabaal degaynay maalintii 56aad ee aas-aaskii ciidanka xoogga dalka magaalooyinka qaar waxaan arkaayay sawiro laga sooqabtay kuwaasoo aan kaqaracmay waayo waxaan arkay ciidan AMISOM ah oo Salaan ka qaadanayo geesiyaashii dalkeena waxaas soo bah dil ma aha waxaasoo kale wax qof damiir leh ogolaado ma aha waa ay dhacday laakiin ilaahay ayaan ka rajaynayaa ineysan dib udhici doonin insha allaah Noolaada

Beri Samaadkii


Maanta oo Kale Waxaa Jiri Jiray Ciidan Xoog Leh oo U dabaal dego Sanad guuradiisa Ciidankaas Waxaa la oran jiray‪#‎Ciidanka_Xoogga_Dalka_Soomaaliyeed‬ waa geesiyaashii cadawgeenu ka baqi jiray waa ciidankii cadawga cagta la dulmaray sanadihii 1964kii iyo 1977kii Waa ciidankii loo baxshay Shabeelka Afrika Waa Cududdii Aanu Ku Faani Jirnay Waa Karaamadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee Burburtay Anigoo Ka Faa'iideysanaayo munaasabadaan maanta oo kale loodabaal degi jiray ama loo dabaal dego waxaan dhalinyarada soomaaliyeed si gaar ah ugu soo jeedinayaa walaalayaal dhulkaan maleh oday 60 jir ah ama kaweyn waxa dhulkaan iska leh waa dhalinyaro waxa uu dhiigoodu usoo daatay waa dhalinyaro waxa uu iminka sugaayo waa dhalinyaro ninkastaa oo dhalinyaro soomaali ah ee qoraalkeyga aqriyaa waxaan ka codsanayaa inuu iska xilsaaro wax uqabadka dhulkiisa iyo sidii uu dhiigiisa ugu huri lahaa macno keeni mayso hadaan afka ka hadalnoo ee aanan wax ficil ah aanan kudarin walaalayaal ilaah baan idin ku dhaarshaye kaca oo dadkadiinta iyo dalkabahaloo istaago gaalada iyo argagixisada halaga kiciyo dhulka guumeysiga halala dagaalo mahadsanidiin

Sidey Kula Tahay?


Aniga Hadaan Iska Bilaabo sida ay ila tahay maanta waxaa soomaaliya dhibta kasaari karo ilaahay subxaanahuu watcaalaa kasoo koow ilaahay waxaa dhibta kasaari karo soomaaliya ruuxii ilaahay ku hanuuniyo iskuna xilqaamo si masuuliyad ku dheehantahay oo islaamnimo soomaalinimo iyo wadaniyad ba leh hawusha u qabto isla markaana hawusha uu qabanayo xoogeeda ama sadex meelood labo meel xoogga saara ciidanka qalabka sida sidii uu dib ugu soocelin lahaa sidii uu udhisi lahaa ciidan tayaysan oo hanta amaanka guud ee dalka gaar ahaan ka bilaaba magaalo madaxda Muuqdisho waxaa layiri xanuunku caloosha ayuu kabiloowdaa waana xarunta wixii jirka uu qabo samaan iyo xumaanba waxaa lawada ogyahay hadii xamar la nabdeeyo ineey inta kale xasileyso oo waatii maxaakiimtii lagu ogaaday tijaabadaas waloow ay talo xumo iyo gacmo shisheeyo kala tuureen guushii berigaa iyo maxaakiimta oo ahaa dad kala maan ah oo nin waliba uu wato ujeedo iyo hadaf qoladii soo dirsatay markastana waxa wadanka kajira ma aha wax kayimid dad soomaaliyeed ee waa wax kayimid dalalka reer galbeedka iyo carabta waxaana ugu xun oon marnaba la hilmaami karin dalalka carabta oo dhulkeena u isticmaalo goob argagixiso waayo mooryaan diimeedku waxay qarashka wadanka lagu dumiyo kakeenaan dalalka carabta maxaad ka filaysaa wadamada gaaladda oon ogsoonahay ineey necebyihiin jiritaankeena iyo ummadnimadeena maadaama aan nahay dad 100% islaam ah isla markaana deris la ah wadamo masiixiyiin ah kuwaasoon qatar ku nahay hadaan yeelano dawlad iyo qaran soomaaliyeed oo ay diinta islaamku tiirka koowaad u tahay wabilaahi towfiiiq inta damiir dal jaceyl kujiro ayaan la hadlayaa

Digniin

Soomaaliya waxaa ka jiro dawlad la'aan taasoo kaliftay iney dad badan nolosha ku adkaato kuwaasoo iminka qeyb ka ah qalalaasaha ka taagan wadanka waxaan tusaalle usoo qaadan karnaa ururada argagixasa ah waxaa keenay waa dawlad la'aanta iyo dhalintii soomaaliyeed oo aanan helin wax shaqo ama xirfado ay ku shaqeystaan dhibaatadaan ma aha mid hada bilaabatay oo waa ay soo jirtay intuu dawladii dhexe ay dhacday ilaa iminka oo mid taag daran ay jirto oo caadaysatay boobka iyo bililiqada wixii ummadda loogu soo dhiibo warkii hore war soo dhaaf hada saansaan kale ayaa jirto oo qatartii hore kasii daran keeni kartana in halaag ka dhaco soomaaliya waana hay'addaha masiixiga ah ee dhawaan la baahiyay shaqada ama shaqaalaha ay qaadanayaana ay rabaan ineey yihiin kuwo ku ad adag masiixinimadooda taasoo keeni karto in dadka la gaaleysiiyo iyadoo laga faa'iideysanaayo baahida markaas haysata iyo ciriiriga xaga nolosha ah waxaa yaab badan hadii wadankii oo aan ognahay dhibaatada ka jirto ay iminka kusoo kororto Dhibta baaxadda inaan la eg leh soomaaliyeey dareen laay waxaad ogaan doontaa xili aanan waxba laga qaban karin ee iminka jooji waxa aad isku haysaan adinka dhexdiina iyo Walaalahaaga aad ka sad bursanaysay mudada 25ka Sano ah Waxaan hadalkeyga kusoo gaba gabeeyay Haloo Dhug yeesho Gaalada kusoo Duushay dalkeena diinteena iyo Cirdigeen Xiligaan ayaa ah waqtiga laga hor tagi karo waa inteey Goori goortahay Waxba hadalka idin Ku Badin Maayo mar arintaan wax laga weydiiyay madaxweynaha maamulka puntland ayaa sheegay ineeysan dhib lahayn warkaas madaxweynaha culeys uma arko laakiin dib danbe ayuu garan doonaa Wabilaahi towfiiq

Wariye iyo Fanaan

Sidaan Wada Ogsoonahay Waxaa Jiro Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Waqtiga iyo Waayuhu Ciileen Kuwaasoo Aanan Helin Fursad ama Nasiib ay Wax ku bartaan qofkastaana waxaa waajib ah inuu noloshiisa si un udhacsado arintaas iyo kuwo kale oo is biirsaday ayaa keenay inaanu aragno wariyeyaal bilaa xiraf ah iyo fanaan qaadayo heeso ay lahaayeen fanaaniin hore oo soomaaliyeed kuwaasoo laga yaabo inuusan fasax u heysan ama cidii uu ka qaadan lahaa ay goor hore dhimatay waxyaabaha ku kalifa fanaanka inuu qaado heesihii hore ama horay loo qaaday iyo waxyaabaha keenay wariyaha aan xirfadda lahayn ee wixii uu rabo soo tabiyo isagoon garanayn dhibta ka imaan karto ayaa ah dawlad la'aanta kajirto gayigeena mudada kusiman 25ka sano waana wax laga naxo ummad dhan ineey muddo intaas la eg ahaato Bilaa Maamul iyo Kala Danbeeyn Xitaa Xayawaanku Wuxuu Leeyahay Qeynuun iyo Sharci ay Ku Dhaqmaan Inagu waanba Ka liidanaa Bahaahin Ilaahay Waxaan Ka Baryayaa Inuu Wadankeena Dib ugu Soo Celiyo Xasiloonidii badhaadhihii iyo Wanaangii Beri Kajiri Jiray Illaahayoow Aamiin Mahadsanidiin

Furihii Janadda Anigaa Hayo!!!!

14kii April 2012 Ayaa Waxaa goobjoog u ahaa qiso ka dhacday xamar Xiligaas Waxaa madaxweyne ka ahaa Shariif Sh Axmed  Qoloda Argagixisada ahna waxaa ay joogeen Ceelasha Biyaha oo Xamar ujirto 17KM Qisadu Waxay ahayd maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa Gaari Ismiidaamin ah oo walxaha qarxo ay ka buuxaan waxaa loosoo qorsheeyay wasaaradda Arimaha gudaha ee dawladii kumeel gaarka ahayd sidii caadada u ahaydba waxaa jiray niman u qaabilsanaa shabaabka xagga tashkiilinta ilmaha la qaldaayo waxaa dhacday maalin in nin yara weyn loosoo dhiibay waloow uu ku qanacsanaa inuu ismiidaamiyo hadana tii allaa kaweyn markuu soo dhaqaaqay ayaa ilaahay quluubtiisa wuxuu ku riday Argagax uusan horay udareemeyn wuxuu soo xasuustay dadka uu dhameyn rabo ineysan waxba ka galabsan ilaahay ayaa towfiiqda dadka waafajiyee Ninkaas waxaa markaasba sheeko tashkiilin ah kuwado odaygii shabaab uqaabilsanaa is qarxiska iyo qaladka ilma waalidkood laga soo afduubo waxaa dhacay in lasoo gaaray meeshii uu ku hari jiray odaygii qaabilsanaa tashkiilinta wuxuu usheegay inuu maanta jannadii gacanta kuhaysto isla markaana uu ilaahay yqushuuco  meeshii uu ku degi lahaana lasoo gaaray ee gaariga uu ujoojiyo si uu uga haro mar qura ayuu gaarigii xawaare kusii daray wuxuu ku yiri adeer hadaadba janaddii furaheeda aad iidhiibtay maxaad iiga haraysaa aanu wada aadno xaalkaa ku xumaaday odaygii shabaabka u qaabilsanaa tashkiilinta iyo qaldidda ilmaha wuxuu ku calaacalay adeeroow gaariga mar iijooji aan kaa haree aniga diyaar uma ihi adigase waad soo diyaar garowdaye Balse arinkaas waxaa diiday ninkii ismiidaaminta looo qorsheeyay wax lasocdaba waxaa loo dhawaaday meel ay katalineysay dawladdii kumeel gaarka ahayd isagoo ku adkeysanaya ineey jannada wada aadayaan balse wadaad mooryaankii ayaa ku baryootamay adeeroow lacagtaan qaado oo i deji gaariga mar un ii jooji Mooryaan wadaadkii markale ayuu lacag udhiibay misna markii sadexaad ayuu u sheegay inuu intaas lacag kahayo sheekadaanna uu ku qaraabto wax ilaahay abuurtay oo janno lagaayana aysan jirin Ugu danbeyntii wuxuu kuyiri ilaah baan kugu dhaariyaye ilmaha aad qaldayso jooji aniga waan ku fasixi waa uu yeelay kadib wuu u joojiyay wuuna degay sidii ayuu isku dhiibay yarkii loosoo qorsheeyay inuu isqarxiyo isagoo bad qabo ayaa iigu danbeysay