Waxaan Kusoo Bandhigaa Boggaan Wixii Aan Doonayo Inaan La Wadaago Asxaabteeyda Facebook ga iyo Dhamaan inta Aan Hawada Saaxiibka ku nahay
Thursday, April 14, 2016
Dulmi iyo Dawlad
Inta Dulmigu Jiro Waxaad Ogaataan Soomalaay Inaan laga baxayn dhibaatada dulmigu wuxuu isugu jiraa noocyo badan waxaase ugu weyn midka lagu hayo dadka maatida ah hooyada dhiig baxa udhimanayso saqiirka oonka iyo gaajada unaf waayaya Magacoodiina Lagu soo dawarsanayo ilaahay amarkii maalin walbo nin baa lasoo taagan gaajo iyo abaar ayaa soomaaliya kajirto wixii uu soo helana qabiilkiisa iyo intuu dan kaleeyahay ayaa cuna mataasaa masuuliyad ah mise waa islaamnimo waxaan ogahay oon cid weeydiineyn magaalooyinka waaweyn ee gayiga soomaalida ama soomaaliya waxaa ku nool dad danyar ah kuwaasoo laga yaabo maalinkii ineey wax cunaan hal gelin halka magaaladaas nin joogo uu gurigiisa ku bixiyo lacag gaareyso 50$ maalintii ilaahay waa ogyahay dhibta waxna kama daahna inta ay arintaasi jirto waxaan filayaa inaan laga baxeyn colaad iyo abaar oo ah labada laga duceysto ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhulka lajaro dhamaan inta sababta u ah dhibtaan aan dabayaaqada laheyn ee dalkeenii iyo dadkeenii ku habsatay koleey Mooryaan diimeed iyo Mid Masuul Dawladeed sheegto ku tahay ilaahayoow na hor dhaafi
Afkaar iyo Hadba Wixii aan u arko ineey mudanyihiin in wax laga qoro
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment