Thursday, April 14, 2016

Taariikh Nololeedkii Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Marxuum Jaale Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ahaa Madaxweynihii 3aad ay Dalka soomaaliya wuxuuna madaxweynayaashii kahoreeyay ugaga badalnaa inuu ahaa Kaligii-teliye ciidanka xooga iyo madaxweynehi dalka Soomaaliya sanadihii 1969kii ilaa 1991dii.
Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbahaarey, Gobolka Gedo taariikhdu marka ahayd 6dii Oktoobar 1919kii, wuxuu ahaa yaraantiisa Reer Miyi. 1936 ayuu kubiiray xerada tababarka Ciidanka ee Baladweyne. Jaale Siyaad Barre markii uu tababarka udhamaaday waxaa loo soo wareejiyay xeradii Ciidamada ee kutaalay Xamar Jajab - Muqdisho sii uu tababar ciidannimo dheeraad usii qaato.
Wakhti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd wadanka Soomaaliya ayaa 1969kii koox ciidanka xooga ah oo uu hogaaminayo Jaale Siyaad Barre af-gembi lama filaan ah ku qabsadeen awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaanka Umada Soomaaliya.
Jaale Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, isbitaalada IWM. Sidoo kale waxaa dowladu la wareegtay maamulka iyo faro ku heynta bangiyada, beeraha waaweyn, shirkadaha muhiimka ah, wershadaha iyo dhamaan wixii muhiim ahaa sida ganacsiga iyo baayac-mushtarka.
Dowladu waxay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qoloqoleeysiga iyo iskala-sooca bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah taasi oo si shaaric ah loo aasay qabyaalada, isla markaana lagu dhawaaqey in shacabka wadanku siman yihiin meel kasta ooy ka soo jeedaan ama qolo kasta ooy ku abtirsadaan.
Waxyaabaha ugu waawayn ee Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan qaarada Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% dad jahli ahaa ayaa noqdey ilaa 40% dad aqoon leh.
Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari kadib ayaa xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya lagu qasbay ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanka midaasi ooy ka dambeeyeen ururo mucaarid iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya. 26dii Janaayo ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka Soomaaliya, asaga oo wadanka ka baxay.
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre asagoo 75 sanno jir ah wuxuu ku geeriyooday magaalada Lagos ee wadanka Nigeria 26dii Oktoobar 1995kii. Marxuumka waxaa lagu aasay gobolka uu u dhashay ee Geddo.

No comments:

Post a Comment