Thursday, April 14, 2016

Sidey Kula Tahay?


Aniga Hadaan Iska Bilaabo sida ay ila tahay maanta waxaa soomaaliya dhibta kasaari karo ilaahay subxaanahuu watcaalaa kasoo koow ilaahay waxaa dhibta kasaari karo soomaaliya ruuxii ilaahay ku hanuuniyo iskuna xilqaamo si masuuliyad ku dheehantahay oo islaamnimo soomaalinimo iyo wadaniyad ba leh hawusha u qabto isla markaana hawusha uu qabanayo xoogeeda ama sadex meelood labo meel xoogga saara ciidanka qalabka sida sidii uu dib ugu soocelin lahaa sidii uu udhisi lahaa ciidan tayaysan oo hanta amaanka guud ee dalka gaar ahaan ka bilaaba magaalo madaxda Muuqdisho waxaa layiri xanuunku caloosha ayuu kabiloowdaa waana xarunta wixii jirka uu qabo samaan iyo xumaanba waxaa lawada ogyahay hadii xamar la nabdeeyo ineey inta kale xasileyso oo waatii maxaakiimtii lagu ogaaday tijaabadaas waloow ay talo xumo iyo gacmo shisheeyo kala tuureen guushii berigaa iyo maxaakiimta oo ahaa dad kala maan ah oo nin waliba uu wato ujeedo iyo hadaf qoladii soo dirsatay markastana waxa wadanka kajira ma aha wax kayimid dad soomaaliyeed ee waa wax kayimid dalalka reer galbeedka iyo carabta waxaana ugu xun oon marnaba la hilmaami karin dalalka carabta oo dhulkeena u isticmaalo goob argagixiso waayo mooryaan diimeedku waxay qarashka wadanka lagu dumiyo kakeenaan dalalka carabta maxaad ka filaysaa wadamada gaaladda oon ogsoonahay ineey necebyihiin jiritaankeena iyo ummadnimadeena maadaama aan nahay dad 100% islaam ah isla markaana deris la ah wadamo masiixiyiin ah kuwaasoon qatar ku nahay hadaan yeelano dawlad iyo qaran soomaaliyeed oo ay diinta islaamku tiirka koowaad u tahay wabilaahi towfiiiq inta damiir dal jaceyl kujiro ayaan la hadlayaa

No comments:

Post a Comment