Thursday, April 14, 2016

Furihii Janadda Anigaa Hayo!!!!

14kii April 2012 Ayaa Waxaa goobjoog u ahaa qiso ka dhacday xamar Xiligaas Waxaa madaxweyne ka ahaa Shariif Sh Axmed  Qoloda Argagixisada ahna waxaa ay joogeen Ceelasha Biyaha oo Xamar ujirto 17KM Qisadu Waxay ahayd maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa Gaari Ismiidaamin ah oo walxaha qarxo ay ka buuxaan waxaa loosoo qorsheeyay wasaaradda Arimaha gudaha ee dawladii kumeel gaarka ahayd sidii caadada u ahaydba waxaa jiray niman u qaabilsanaa shabaabka xagga tashkiilinta ilmaha la qaldaayo waxaa dhacday maalin in nin yara weyn loosoo dhiibay waloow uu ku qanacsanaa inuu ismiidaamiyo hadana tii allaa kaweyn markuu soo dhaqaaqay ayaa ilaahay quluubtiisa wuxuu ku riday Argagax uusan horay udareemeyn wuxuu soo xasuustay dadka uu dhameyn rabo ineysan waxba ka galabsan ilaahay ayaa towfiiqda dadka waafajiyee Ninkaas waxaa markaasba sheeko tashkiilin ah kuwado odaygii shabaab uqaabilsanaa is qarxiska iyo qaladka ilma waalidkood laga soo afduubo waxaa dhacay in lasoo gaaray meeshii uu ku hari jiray odaygii qaabilsanaa tashkiilinta wuxuu usheegay inuu maanta jannadii gacanta kuhaysto isla markaana uu ilaahay yqushuuco  meeshii uu ku degi lahaana lasoo gaaray ee gaariga uu ujoojiyo si uu uga haro mar qura ayuu gaarigii xawaare kusii daray wuxuu ku yiri adeer hadaadba janaddii furaheeda aad iidhiibtay maxaad iiga haraysaa aanu wada aadno xaalkaa ku xumaaday odaygii shabaabka u qaabilsanaa tashkiilinta iyo qaldidda ilmaha wuxuu ku calaacalay adeeroow gaariga mar iijooji aan kaa haree aniga diyaar uma ihi adigase waad soo diyaar garowdaye Balse arinkaas waxaa diiday ninkii ismiidaaminta looo qorsheeyay wax lasocdaba waxaa loo dhawaaday meel ay katalineysay dawladdii kumeel gaarka ahayd isagoo ku adkeysanaya ineey jannada wada aadayaan balse wadaad mooryaankii ayaa ku baryootamay adeeroow lacagtaan qaado oo i deji gaariga mar un ii jooji Mooryaan wadaadkii markale ayuu lacag udhiibay misna markii sadexaad ayuu u sheegay inuu intaas lacag kahayo sheekadaanna uu ku qaraabto wax ilaahay abuurtay oo janno lagaayana aysan jirin Ugu danbeyntii wuxuu kuyiri ilaah baan kugu dhaariyaye ilmaha aad qaldayso jooji aniga waan ku fasixi waa uu yeelay kadib wuu u joojiyay wuuna degay sidii ayuu isku dhiibay yarkii loosoo qorsheeyay inuu isqarxiyo isagoo bad qabo ayaa iigu danbeysay

No comments:

Post a Comment